Wasaarada Cadaalada Garsoorka iyo arimaha diinta Jubbaland oo kullan is xog wareysi la qaadatay Culimo udiinka Jubbaland.

0
406
kismaayo(waamo Radio)Wasaaradda Cadaaladda,Garsoorka iyo arrimaha Diinta Jubbaland ayaa kulan xog wareysi ah la qaadatay qaar ka mid ah Culumaa`udiinka ku dhaqan Jubbaland gaar ahaan magaalada Kismaayo
Intii uu socdey Kulanka ayaa looga hadlay sidii Culumaa`udiinka iyo Wasaaraddu isaga kaashan lahaayeen wacyi galinta la xiriirta Arrimaha Diinta iyo Acmaasha Xajka.
Qaar ka mid ah Culumaa`udiinka kulanka ka qayb galay  oo goobta ka hadlay ayaa bogaadiyay dadaalada  si dhex galka ah ee ay waddo Wasaaradda Cadaaladda,Garsoorka iyo Arrimaha Diinta.
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda,Garsoorka iyo arrimaha Diinta Jubbaland Maxamed Sheekh Yuusuf Cumar  oo kulanka hadal dheer ka jeediyey ayaa Sheegay inay si dhow u wada shaqayn doonaan Wasaaradda iyo Culimada Jubbaland.
Waxaa warbixintaan inoo haaya,Cabdiraxiim Deeq Muuse.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.