Maareeyaha garoonka Diyaaradaha kismaayo oo ka warbixiyay xalada garoonka

0
978

Kismaayo(Waamo Radio)Halkani waa garoonka Caalamiga ah Magalaada kismaayo  Waxaa Maalinba Maalinka ka dambaysa soo kordhaya Horu Marka iyo Nidaamka Dowladeed ee Jubbaland Kaas oo sababay in manta Kasoo dagto diyaarad casri ah oo jed ah  Tan iyo Burburki Dowladii dhexe ee dalka.

Shirkadan cususb oo lagu magacaabo Welya air  ayaa waxa ay maanta  si Rasmi ah uga Bilaawday magaalada kismaayo duulimaadka  diyaaradaan casrga ah waxa ayna ka Hawl gashaa Meelo kooban oo Magaalooyinka dalka ka mid ah sida uu sheegay madaxa Hawl galka shirkada Welya air

Cali xasan cabdi Madax Guduud waa madaxa hawlgalka shirka WELYA AIR  waxaa uu sheegay in markii ugu Horaysay ay tahay Diyaarad noocan oo kale ah ay kasoo dagto magaalada kismaayo Tan iyo burburkii Dowladii dhexe  waxa uuna sharaxaad ka bixiyay Diyaaradan cusub iyo qaabka ay u shaqayn doonto shirkadan.

Miyir Yuusuf Kilaas oo ku hadlay afka shirkadaha ka hawl gala Magalaada kismaayo waxaa uu intaas ku daray in  ay soo dhawaynayaa  cidkasta oo Horu mar dalka kusoo kordhinaysa

Ugu dambayntii Maareeyaha Airpot ka Magaalada kismaayo Cabdulaahi Aadan Maxamuud  ayaa ka waramay sababta keentay in manta ay kasoo dagto kismaayo Diyaarad nooca Jedka ah waxa uuna sheegay dadaalka maamulka garoonku iyo Kan dowlada Jubbaland in ay ku timid in guul nuucaan oo kala ah lagaaro.

Halkan Hoose Ka Dhageyso:-

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.