Shirkada Qashinka ee Waamo Magaalada Kismaayo oo Shacabka ugu baaqday in ay Nadaafada ilaaliyaan.

0
525
Kismaayo(Waamo Radio)Shirkadda Qashinka ka qaado Xaafadaha Magaalada Kismaayo ee Waamo ayaa shacabka Kismaayo ugu baaqdey in ay ka qayb qaataan Nadaafadda iyo dib soo Celinta Bilicda Magaalada.
goob aan ahayn halka lagu shubo qashinka ayey ku shubaan Bulshada qaar kamid ah halka kuwa kalana ay ku qaadaan gawaari gaar ah.
Xassan Cabdi Mataan oo ka mid ah Maamulka Shirkada Waamo ayaa usoo jeediyay Shacabka  Magaalada Kismaayo xili uu ku sugnaa Goobta la geeyo qashinka magaalada laga qaado in ay iska xilsaaraan Horumarinta Caafimaadka Degmada.
Shirkadda Waamo ayaa ah shirkadda ka shaqaysa Nadaafadda inkasta oo ay Adeegga Nadaafadda ay dadka ka qaado lacag yar oo lagu fuliyo adeegyada nadaafadda waxaana Shirkadu Qashinka uga soo qaadaa Bulshada kismaayo xaafadahooda iyo goobahooda ganacasi.
Waxaa Warbixintaan  inoo soo jeedinaya Cabdiraxiim Deeq Muuse.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.