Kismaayo Haweyn Nolosha Qowskooda ka Maareeya goobaha Dumarka lagu Qurxiyo

0
536

Kismaayo(Waamo Radio)Dunidan la joogo qofba si uunboow kumaareyaa noloshiisa Dumarka ka shaqeeyo goobaha leeysku qurxiyo wax ay kamidyihiin meelaha ay maanta reero badan laga soo  saaro nolol maalmeedka haweenka qabtana shaqadan ayaa ah kuwa kabad baaday in ay ku dhacdo Shaqo la,aan.

Goobahani ayaa lagu qurxiyaa dumarka shaqooyinka badanaa laga  qabtana  waxaa kamid ah cilaansaarka qurxinta iyo hagaajinta timaha iyo waxyaabo badan oo laxariira Qurxinta haweynka.

Balse dumarka somaaliyeed aad bey ujecelyihiin in midba mida kale ay ka sii qurux badnaato marka aad booqto xarumaha leeysku qurxiyana  waxaad ku arkeysaa dumarka  jooga kuwaas oo doonaya in la qurxiyo.

Milkiiliyaasha qaar kamid ah xarumaha aan booqoday ayaa iiga waramay sida ay ugu qabtaan adeegaan Dumar yimaada xarumahooda waxaa ay sidoo kale iisheegeen  in ay  xilli waliba goobahoodu furan yihiin ayna shaqeeyaan.

Mid kamid ah xarumaha lagu barto farsmada gacanta sida cilaansaarka oo aan booqoday waxaana halkaasi kula kulmay maamulaha xarunta iyadoona iisheegtay  in ay jiraan haween badan oo ay ku taba baraan xaruntaan cilaansaarka.

waxaa warbixintaan inoo soo jeedinaya Foos Cali Cabdiraxmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.