Shir madaxeedka dhaqaalaha Carabta oo ka furmay Beyruut

0
469

Waxaa magaalada Beyruut ee dalka Lubnaan maata si rasmi ah uga fumay shir looga hadlayo arrimaha dhaqaalaha dalalka carabta oo aan muddo lix ah qabsoomin.

Shirka ayay inta badan ka maqanyihiin madaxda dalalka carbeed waxaana goobta ku sugan kaliya madaxweynaha Lubnaan oo shirka marti gelinaya Mishal cawn, amiirka Qadar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-thani iyo madaxweynaha dalka Muraatiiniya Maxamed Walad Cabdulcasiis.

Wasiirka maaliyadda Sucuudi Carabiya ayaa markii uu shirka furmay waxa uu xilka hoggaaminta golaha ku wareejiyay madaxweynaha Lubnaan oo isna ku dhawaaqay in shirka uu si rasmi ah u furanyahay.

Dalalka kale ee carbeed ayaa ka qeyb galka shirka usoo wakiishay wasiiro u badan kuwo arrimo dibadeed iyo kuwo maaliyadeed oo ku matala taasoo la rumeysanyahay in ay hoos u dhigeyso heerka ka qeybgalka shirka.

Madaxda dalalka carabta ayaa ku sii kala fogaaday aragtiyaha kala duwan ee ay ka qabaan arrimaha dalka Suuriya iyo gaashaanbuurteeda Iiraan oo ay sii dheertahay kala qeybsanaanta hogaamiyayaasha Lubnaan.

Waxaa xusid mudan in amiirka Qadar ee madasha ku sugan uu dhawaan ku gacan seyray martiqaad dowladda Sucuudiga u fidisay kaasoo la doonayay in uu uga qeyb galo shir madaxeed dalalka gacanka, taasi badalkeedana uu amiirku u diray shiraakaas in uu ka qeyb galo wasiirkiisa arrimaha dibadda maadaama khilaaf xooggan uu kala dhexeeyo qaar ka mid ah dowladaha ku bahoobay golaha iskaashiga dalalka gacanka.

Ka qeybgalka amiirka Qadar ee shirka Beyruut ayaa jawaab u ah ka maqnaashaha shirka ay ka maqanyihiin dalalka Sucuudiga, Imaaraatka, Baxreyn iyo kuwo kale oo horay xariirkii diblomaasiyeed iyo midkii ganacsiba ugu jaray dalkiisa.

Ka hor inta uusan furmin shirka Beyruut waxa uu muran ka taagnaa sida dalka Suuriya loogu soo dhaweyn karo ururka Jaamacadda Carabta maadaama dalkaasi uu wali gacanta ku hayo Bashaar Al-asad oo ay taageerto Iiraan.

Habacsanaanta ku timid shirka Beyruut ayay dadka falanqeeya siyaasadda waxay u aaneynayaan falkii ay ku kaceen koox ka tirsan dhaq-dhaqaaqa Al-amal ee dalka Lubnaan ee uu hoggaamiyo afhayeenka baarlamaanka dalkaas, Nabih Berri, kuwaasoo dhawaan dab qabadsiiyay calanka dalka Liibiya arrinkaa oo ay aad uga xumaadeen dalalka xubnaha ka aha Jaamacadda Carabta.

Madaxweynaha Soomaaliya maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka mid ahaa madaxdii ku casuunneyd shirka Beyruut ayaa ka baaqday shirka waxaana ku matali doona wasiirka arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad iyo wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.