Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed

0
448

Baydhabo(Radio Beerlula)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu wehlinayo Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa magaalada Baydhabo kulan kula yeeshay odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed.

Kulankan oo lagu qabtay madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed ayaa diiradda lagu saaray sidii looga shaqeyn lahaa nabadda, dib u heshiisiinta iyo xoreynta magalooyinka iyo degaannada ku jira gacanta Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa odayaasha iyo duubabka dhaqanka Koonfur Galbeed ku ammaanay kaalinta wanaagsan ee ay ka qaateen taabbo gelinta hawlaha nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada degaannadaasi.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey odayaasha dhaqanka ee uu la kulmay doorka muuqda ee ay ka ciyaareen samata bixinta dalka, isaga oo sheegay in ay u soo dhabar adaygay dadkooda waqti ay jireen duruufo aad u adag.

Booqashada Madaxweynaha ayaa imaaneysa bil kadib markii ay magaalada Baydhabo ka dhaceen bannaan baxyo rabshado watay kadib markii la xiray Mukhtar Roobow oo ahaa musharrax u taagnaa qabashada xilka madaxweynennimo ee maamulkaas.

Madaxweyne Farmaajo oo xalay ku hoyday magaalada Baydhabo ayaa ka qeyb galay munaasabadda caleema saarka madaxweynaha Koonfur Galbeeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.

Madaxweynaha ayaa mahad celin ballaaran u jeediyay dadkii ka qeyb galay doorashada maamulka Koonfur Galbeed iyo sida wanaagsan ee ay u aqbaleen natiijadii kasoo baxday doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.