10-ka Daafac Ee Ugu adag Ilaa Haatan Xilli Ciyaareedkan Oo La Soo Saaray

0
420

Kismaayo(Waamo Radio) Machadka daraasaadka kubada cagta ee CIES ayaa soo saartay daafacayada ugu fiican yurub xilli ciyaareedkan gaar ahaan 5-ta horyaal ee ugu waaweyn yurub iyaga oo qiimeeyay kulmada ay guulaha la gaadheen kooxdeeda xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay daraasada Daafaca kooxda Lyon ee Marcelo ayaa ugu horeeya Liiska daafacyada ugu fiican yurub isaga oo kooxdiisa Lyon guulo la gaadhay 84.5% cel-celis ahan kulamadii uu tartamada oo dhan ciyaaray xilli ciyaaareedkan.

Waxa ku xiga xiddiga kooxda Leicester City ee Harry Maguire kaas oo kooxdiisa la gaadhay guul 85.3 kulamadii uu u ciyaaray kooxdiisa tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Waxa kaalinta 3-aad galay daafaca kooxda Liverpool ee Virgil Van Dijk kaas oo kooxdiisa Liverpool la gaadhay guul 84.1 kulamada uu u ciyaaray xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan.

Daafac kooxda Bayern Munich ee Mats Hummels ayaa dhankiisa helay 82% halka daafaca Kooxda Barcelona ee Gerard Pique, Daafaca kooxda Real Madrid ee Raphaƫl Varane Wada heleen 80.5%.

Waxa Liiska laga dhex waayay daafaca kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos kaas oo ah daafacii ugu fiicnaa sanadkii hore isaga oo helay 75% qiimayn sidaasna uga baxay liiska 10-ka daafac ee ugu fiican yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here