𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 la k𝐮𝐥may w𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐤𝐚 QM 𝐮 q𝐚𝐚b𝐛𝐢𝐥𝐬𝐚𝐧 h𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 d𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

0
10

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay ayaa waxa uu kulan gaar ah kula qaatay magaalada Seville ee Dalka Spain, 𝐌𝐫. 𝐂𝐥𝐚𝐯𝐞𝐫 𝐆𝐚𝐭𝐞𝐭𝐞 oo ah Xoghaya Fulinta Guddiga Dhaqaalaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Afrika.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray horumarada Dowladda Soomaaliya ay ka sameysay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda, kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya iyada oo bulshada looga faa’iidaynayo iyo hannaanka isbaddalka qorshaha Qaranka (NTP).

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa is af garad looga gaaray xoojinta xiriirka wada-shaqeynta iyo horumarinta qorshayaasha maalgalineed ee Dowladda Soomaaliya u dagsan.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa la filayaa in uu ka qeyb galo kulamada heer wasiir ee ku saabsan horumarinta dhaqaalaha iyo in uu kulamo kala duwan la qaato masuulyiin iyo madaxda ka soo qeybgashay shirka sanadkan, kulamadaas oo dhammaantood ku qotoma horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here