𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 l𝐚-𝐭𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 w𝐚𝐱-𝐤𝐚-𝐛𝐞𝐝𝐝𝐞𝐥𝐤𝐚 d𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐨𝐨 k𝐚 f𝐮𝐫𝐦𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐲𝐝𝐡𝐚𝐛𝐨

0
14

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka KMG ah, oo ay ka mid yihiin Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Guddiga La-socodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Wasaaradda Cadaaladda XFS ayaa si wadajir ah u daah-furay Shirka La-tashiga Cutubka 5aad illaa 9-aad.

Shirkaan ayaa diiradda lagu saaray wax-ka-beddelka Cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka, iyadoo laga falanqeeyay talooyin iyo aragtiyo muhiim ah oo ay soo bandhigeen Maamulka iyo shacabka Doladda Konnfur-Galbeed.

Maamulka, Haweenka iyo Dhalinyarada Koonfur Galbeed ayaa door muhiim ah ka qaatay wada-tashigaan, iyagoo soo jeediyay fikrado iyo talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan dib-u-habaynta cutubyada muhiimka ah.

Aragtidooda firfircoon waxay muhiim u tahay geeddi-socodka wax-ka-beddelka Dastuurka, taas oo qayb ka ah dedaallada lagu xoojinayo dowladnimada iyo isku-dubbaridka baahiyaha bulshada Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here