Halyeey ku caanbaxay la dagaalanka midab-takoorka oo ku geeriyooday K/Afrika

0
201

Kismaayo(Idaacadda waamo)-Desmond Tutu, hoggaamiyihii hore ee kiniisadda K/Afrika,ahna halyeey ku caanbaxay ka hortagga midab-takoorka ee xilli hore ka ka jiray Dalkaasi ayaa manta ku dhintay da’da 90-ka.

Madaxweynaha Dalka K.Afrika ayaa tacsi u diray guud ahaan shacabka dalkaasi,wuxuuna qiray kaalintii uu ku lahaa helitaanka xoriyadda dadka .

Tutu, waxa uu sanadkii 1984-tii ku guuleystay abaalmarinta nabadda ee Nobel, taas oo uu ku muteystay  halgankii Koonfur Afrika ee ka dhanka ahaa xukunka caddaanka ee tirada yaraa.

Tutu, waxa uu sanadihii u dambeeyay la halgasmaayey caafimaad darro,isagoo , inta badan lagu ammaano inuu ahaa qof leh damiir wanaagsan  oo lagu dayan karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.