Iska illow labada Manchester iyo Chelsea, wargeys kasoo baxa Jarmalka oo daaha ka rogay inay koox kale oo Ingiriiska ah ay hoggaanka u heyso loollanka loogu jiro saxiixa Haaland

0
240

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Dagaalkii ugu weynaa ee suuqa kala iibsiga taariihda kubadda cagta ayaa la filayaa inuu dhaco dhammaadka xilli ciyaareedkan maadaama kooxaha ugu waaweyn qaaradda Yurub badankood ay ku dagaallamayaan saxiixa laacibka kooxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland, waxaana dagaalkiisa xiiso u yeelaya tayadiisa iyo lacagta heshiiskiisa markaas lagu jebin karo oo macquul ah maadaama 68 milyan oo gini lagu burburin karo heshiiskiisa Dortmund.

Real Madrid ayaa la fahansan yahay inay ugu horreyso raacdada loogu jiro saxiixa weeraryahanka reer Norway maadaama ay si cad u usoo bandhigtay xiisaha ay u muujineyso, waxaase doonistiisa dhinac kaga jira oo wada doonaya t Barcelona, Manchester United, Chelsea, Manchester City, Bayern Munich, Juventus iyo Paris Saint-Germain.

Hase ahaatee, Sky Sports Deutschland ayaa sheegay in kooxda ugu cad-cad helitaanka saxiixa Haaland ay tahay Liverpool, taasoo loo arkayay markii hore mid aananba ku jirin tartanka loogu jiro 21-sano jirka lagu tilmaamo matoor gool-dhalineed.

Wargeyska ayaa intaas ku daray inaysan Reds ku faraxsaneyn weeraryahannadeeda dhexe ee Diogo Jota iyo Roberto Firmino kuwaasoo boosaskooda saxda ah aysan ahayn weerarka dhexe, waxaana ay sidaas darteed dooneysaa inay laacibka BVB ka dhigto weeraryahankeeda dhexe ee joogta ah xilli uu 19 gool dhaliyay shan kalena caawiyay 16 kulan oo uu Dortmund u saftay xilli ciyaareedkan tartammada oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.