Manchester United oo si la yaab leh ugu soo biirtay loollanka loogu jiro saxiixa xiddig u ciyaara kooxda Chelsea kaasoo laga doonayo Yurub oo dhan

0
211

Naadiga Chelsea ayaa weerar dal iyo dibad ah kala kulmeysa qaar ka mid ah kooxaha ugu waaweyn qaaradda Yurub kuwaasoo funaanadahooda gacmaha ugu haya xiddigaha baxsadka ka ah Stamford Bridge ee ku jira bilahii ugu dambeeyay qandaraaskooda sida xiddiga difaaca ka ciyaara ee Antonio Rudiger oo ay isku garbinayaan qaar ka mid ah kooxaha ugu waaweyn Yurub.

28-sano jirkan qandaraaskiisa Blues ayaa dhici doona dhammaadka xilli ciyaareedkan, waxaana haatan doonistiisa kusoo biirtay kooxda Manchester United oo diyaar u ah inay saxiixiisa kula loollanto kooxaha Real Madrid, Paris Saint-Germain iyo Bayern Munich kuwaasoo ka rajo wanaagsan Man United maadaama ay wada-xaajood la bilaabi karaan bisha January iyadoo ay taasi u wacan tahay inay ka dhisan yihiin meel ka baxsan Ingiriiska.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay, Sky Deutschland, Red Devils ayaa diyaar u ah inay xiddigan iibkiisa lacag yar kusoo qaadato isla bishan January maadaama aysan iyada wada-xaajood heshiis horudhac ah la xiriira aysan la sameyn karin, waxayna dooneysaa inay difaacan Jarmalka ah ay ku xoojiso difaaceeda maadaama ay dhaawacyo la hareen difaaca Madrid kaga yimid ee Raphael Varane.

Rudiger ayaa weli ka mid ah fureyaasha shaxda Macallin Thomas Tuchel isagoo 21 kulan u saftay Chelsea dhammaan tartammada xilli ciyaareedkan, waxaana la fahansan yahay inuu doonayo ka tagista galbeedka London si uu u helo mushahar gaaraya 400 kun oo gini lacagtaas oo ku dhowaad afar laab ka badan midda uu haatan mushahar ahaan kaga qaato kooxda Champions League difaacaneysa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.