Kooxaha Real Madrid iyo Liverpool oo guulo gaaray & guud ahaan natiijooyinka kulammadii xalay laga ciyaaray tartanka UCL

0
207

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Ciyaaro ka tirsan kulammada lixaad wareegga guruubyada tartanka Champions League ayaa caawa lagu ciyaaray garoommo kala duwan oo ku yaalla dalalka qaaradda Yurub.

Kooxaha Real Madrid, Liverpool, Manchester City, Milan, Inter, Paris Saint-Germain ayaa ugu madax fiiqnaa kooxaha caawa ka ciyaaray kulammada lixaad wareegga guruubyada ee tartanka Champions League.

Real Madrid ayaa saddexda dhibcood ka qaaday kooxda Inter oo marti u ahayd kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0, waxaana goolasha Los Blancos u kala dhaliyay xiddigaha kala ah T. Kroos iyo M. Asensio, iyada oo grou-pkan D ay ka soo baxeen labada kooxood Real iyo Inter.

Dhankeeda kooxda Liverpool ayaa guul ka soo heshay naadiga AC Milan, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-2, waxaana goolasha u kala dhaliyay xiddigaheeda kala ah Mohamed Salah iyo Divock Origi, halka goolka Milan uu u dhaliyay laacibkooda Tomori, taasoo ka dhigtay in Group-ka B ay ka soo gudbaab kooxaha Liverpool iyo Atletico Madrid.

Haddaba halkan hoose ka eeg natiijooyinka dhammaan kulammadii caawa laga ciyaaray wareega Gruubyada ee tartanka Champions League:

Group A –

RB Leipzig 2-1 Manchester City

Paris Saint-Germain 4-1 Club Brugge

Group B –

AC Milan 1-2 Liverpool

Porto 1-3 Atletico Madrid

Group C –

Ajax 4-2 Sporting CP

Borussia Dortmund 5-0 Besiktas

Group D –

Real Madrid 2-0 Inter Milan

Shakhtar Donetsk 1-1 FC Sheriff.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.