Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo kala hadlay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya xoojinta iskaashiga labada dal

0
44

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Fei Shengchao, waxa uu kala hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal iyo siyaabaha lagu xoojin karo, laguna horumarin karo.

Intii lagu guda jiray kulanka , waxaa looga hadlay sare u qaadida iskaashiga laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha iyo dardargelinta dhinac weliba si loo gaaro danaha guud iyo himilooyinka labada dal iyo labada dad ee saaxiibada ah, waxaa sidoo kale ay fallanqeeyeen xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka iyo dunida ee taabanayay danaha guud ee labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.