RASMI: FIFA oo ku dhawaaqday 11-ka xiddig ee u sharraxan abaal-marinta laacibka sanadka ee The Best

0
239

Maanta oo Isniin ah, Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee (FIFA) ayaa si rasmi ah u shaaciyay liiska 11-ka xiddig ee u sharraxan abaal-marinta xiddiga sanadka ee FIFA THE BEST ee 2021-ka.

Sida laga soo xigtay website-ka rasmiga ah ee FIFA, liiskaas waxaa lagu soo reebi doonaa saddex ciyaaryahan oo kaliya, bisha January ee soo socota, iyada oo lagu dhawaaqi doono guuleystaha abaal-marintan 17-ka bisha January 2022.

FIFA ayaa intaa ku dartay in dadka ka qayb galaya codaynta ay yihiin kabtanada dhammaan xulalka qaramada aduunka, iyo waliba jamaahiirta kuwaas oo hadda u dooran kara xiddiga ugu fiican iyada oo loo marayo website-ka rasmiga ah ee xiriirka.

Haddaba halkaan hoose ka eeg 11-ka xiddig ee u sharraxan abaal-marinta xiddiga sanadka ee FIFA THE BEST ee 2021:-

“Karim Benzema (France/Real Madrid)

Kevin De Bruyne (Belgium / Manchester City)

Cristiano Ronaldo (Portugal / Juventus / Manchester United)

Robert Lewandowski (Poland / Bayern Munich)

Lionel Messi (Argentina / Barcelona / PSG)

Neymar (Brazil / PSG)

Kylian Mbappé (France / PSG)

Erling Haaland (Norway/Borussia Dortmund)

Jorginho (Italy/Chelsea)

N’Golo Kanté (France / Chelsea).”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.