Horudhac: Chelsea vs Juventus… (Blues oo dib u heleysa xiddigo muhiim ah caawa & Natiijada ay u baahan tahay si ay ugu soo baxdo wareegga xiga

0
41

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa dooneysa inay hanato hoggaanka guruubkeeda H ee tartanka Champions League ciyaarta ay caawa garoonkeeda kula leedahay Juventus oo haatan ugu sarreysa guruubka.

Blues ayaa dhinaca kale u baahan ugu yaraan dhibic si ay u xaqiijiso usoo bixitaankeeda wareegga 16-ka tartanka Champions League maadaama ay haatan leedahay sagaal dhibcood, halka Bianconeri ay goor hore xaqiijisay booskeeda wareegga bug-baxda kaddib markii ay guul gaartay dhammaan afartii ciyaarood ee hore.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Yurub – Champions League

Saacadda ay bilaabaneyso ciyaarta: 11:00 Habeennimo xilliga Geeska Afrika

Garoonka: Stamford Bridge

Garsooraha: Srdjan Jovanovic (Serbia)

Wararka kooxaha:-

Warka ugu weyn ee dhanka Chelsea waa dib usoo laabashada Romelu Lukaku iyo Timo Werner kuwaasoo uu xaqiijiyay Macallin Thomas Tuchel inay taam u yihiin ciyaartaan, waxaase guud ahaan seegaya ciyaartan Mateo Kovacic halka shaki la gelinayo Kai Havertz oo ay dhibaato yar kasoo gaartay ciyaartii Leicester City.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.