Galmudug oo baaq deg deg ah kasoo saartay Abaaraha

0
275

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafina Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Shire Falagle iyo wafdi uu hoggaaminayo oo socdaal ku maraya deegaanno ka tirsan Gobolka Mudug ayaa sheegay inay u kuur galayaan xaaladaha dadka ay abaartu saameeysay.

Waxaa uu sheegay in ay jiraan dad mas’uuliyiin ah oo ka soo jawaabay baaqii la xiriiray u gurmashada dadka abaartu saameeysay ee kasoo yeeray Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, isaga oo u mahad celiyay dadkaas.

Sidoo kale Wasiir falagle waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in amni buuxa uu kajiro degaannada Gobolka Mudug, isaga oo ugu baaqay inay xoojiyaan dadka ku nool ee ka soo kala jeeda Maamulada Puntland iyo Galmudug, kuwaas oo uu sheegay inay hal goob wax ku wada cunayaan.

Ugu dambeyn Wasiirka Warfaafinta Galmudug waxaa uu sheegay inay abaarta jirta ay kasoo jawaabi doonaan dowladda Federaalka iyo Maamulka Galmudug, wuxuuna ku baaqay in dadka ay abaartu saameeysay loo gurmado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.