Saddex macallin oo si cad u diidday shaqada hoggaamineed ee Manchester United iyo tababare cusub oo xanta dhinac kasoo galay

0
209

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Waxaa weli socda dadaallada ay Manchester United ku dooneyso inay ku hesho macallin joogto ah oo ay ku aaminto booska uu banneeyay tababarihii ay ceyrisay ee Ole Gunnar Solskjaer.

Dhibaatada heysata Man United ayaa waxaa ugu horreeya inaysan macalimiinta waaweyn dooneyn haatan inay shaqadaas la wareegaan xitaa haddii ay shaqo la’aan yihiin iyadoo Zinedine Zidane, Luis Enrique iyo Erik ten Haag ay si cad isaga fogeeyeen shaqada Old Trafford.

“Maanta maalinta beenta ee April miyaa?” ayuu yiri Enrique mar la weydiiyay shaqada macalinnimo ee Red Devils inuu diyaar u yahay, waxaana suxufiga lagu kalsoon yahay ee Fabrizio Romano uu sheegay inuu hoggaamiyihii hore ee Barcelona uu ku faraxsan yahay shaqada xulka Spain oo uu gaarsiiyay afar-dhammaadka tartankii Euro 2020 iyo fiinaalkii UEFA Nations League 2021.

Dhinaca kale, wargeyska The Sun ee kasoo baxa Ingiriiska ayaa sheegay inuu Zidane iska diiday yabooh rasmi ah oo ay Manchester United u gudbisay si uu baddelo Solskjaer, halka Ten Haag uu isna sheegay inuu diiradda saarayo kaliya shaqada naadiga Ajax isla markaasna uusan waxba ka ogeyn xanta warbaahinta sida uu hadalka u dhigay.

Kaddib diidmada macallimiintaas, waxay maamulka Red Devils haatan isku dayayaan inay gacanta kusoo dhigaan macallinka kooxda Paris Saint-Germain ee Mauricio Pochettino

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.