Tababare Xavi oo guul farta ka saaray Barcelona kulankiisii ugu horreeyay

0
61

Tababare Xavi ayaa guul farta ka saaray Barcelona kulankiisii ugu horreeyay, kaddib markii ay guul kaga gaareen 1-0 kooxda Espanyol oo marti ugu ahayd garoonka Camp Nou, kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga.

Qeybta hore kulankii adkaa Catalan derby ee u dhexeeyay kooxaha Barcelona iyo Espanyol ayaa lagu kala nastay barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 64-aad kooxda Barcelona ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii rigoore loo dhigay uu gool u badelay laacibkooda Memphis Depay, ciyaarta ayaa waxay sidaas ku noqotay 1-0.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhammaatay 1-0 ay kaga adkaatay Barcelona, kooxda Espanyol oo ku soo booqatay garoonka Camp Nou, taasoo ka dhigtay in Xavi Hernández uu guul kaga daah furtay waayihiisa tababarnimo ee Blaugrana, xilli Barca ay kaalinka 6-aad kaga jirto kala sarreynta horyaalka La Liga, waxayna leedahay 20 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.