Liverpool oo si la yaqaana ugu awood sheegatay kooxda Arsenal oo marti ugu ahayd Anfield

0
43

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Liverpool ayaa garoonkeeda Anfield ugu awood sheegatay kooxda Arsenal, kaddib markii ay kaga adkaatay 4-0, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada Isbuuca 12-aad horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Liverpool.

Daqiiqadii 39-aad kooxda Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Sadio Mané kaddib markii ay caawin kaga timid saaxiibkiis Alexander-Arnold.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

52 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Diogo Jota oo dhulka ku rafiyay mid ka mid ah daafacyada kooxda Arsenal iyo goolhaaye Aaron Ramsdale ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay Liverpool.

Mohamed Salah oo caawin ka helay saaxiibkiis Sadio Mané ayaa wuxuu daqiiqadii 73-aad wuxuu ciyaarta ka dhigay 3-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Liverpool.

Daqiiqadii 77-aad kooxda Liverpool ayaa sii dheereysatay hoggaaminta dheesha waxaana 4-0 ka dhigay ciyaarta Minamino, iyadoo uu goolkan ka caawiyay Alexander-Arnold.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 4-0 ay kaga adkaatay Liverpool, kooxda Arsenal oo ku soo booqatay garoonka Anfield, Kaddib guushaan ay gaareen ayaa waxay ka dhigan tahay inay kaalinta labaad ee kala sarreynta horyaalka kala baxday Man City oo bari la balansan naadiga Everton, Reds ayaana haatan leh 25 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.