Horudhac: Leicester City vs Chelsea… (Miyey Blues sii dheereysan kartaa hoggaanka horyaalka Premier League?)

0
54

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Naadiga hoggaamineysa horyaalka Premier League ee Chelsea ayaa galabta marti u noqoneysa kooxda Leicester City ciyaar ka tirsan todobaadka 12-aad eee kulammada horyaalka Ingiriiska.

Leicester ayaa qaadaneysa xilli ciyaareed liita marka loo barbar dhigo midkii lasoo dhaafay waxayna kaalinta 12-aad ee horyaalka la fadhisaa 15 dhibcood kaddib 11 ciyaarood, halka Blues ay ku jirto qaab ciyaareed heer sare ah iyadoo hoggaanka horyaalka ku heysa 26 dhibcood kaddib 11 kulan oo ay ciyaartay.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 03:30 Galabnimo xilliga Geeska Afrika.

Garoonka: King Power Stadium

Garsooraha: Paul Tierney (England)

Wararka Kooxaha:

Macallinka Leicester City ee Brendan Rodgers ayaa xaqiijiyay inuu dhaawac ku maqnaan doono xiddiga khadka dhexe ka ciyaara ee Youri Tielemans kaasoo kubka dhibaato ka qaba todobaadyana ay qaadan doonto soo kabashadiisa, waxaa sidoo kale maqnaan doona James Justin halka Marc Albrighton uu taam u yahay ciyaartan.

Dhinaca kale, Chelsea ayaanan heli doonin Romelu Lukaku iyo Mateo Kovacic kuwaasoo dhaawacyo ku seegaya kulankan, halka Timo Werner uu tababarka kusoo laabtay, waxaa sidoo kale taam ah kulankan Mason Mount oo ilkaha loo hagaajiyay iyo Christian Pulisic.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Fool Ka Fool:-

Guushii ay Chelsea kaga qaadatay garoonkeeda naadiga Leicester xilli ciyaareedkii hore kulan ku dhammaaday 2-1 ayaa soo af-jartay lix kulan oo ay Blues kulankan oo kale guul la’aan ka ahayd.

Kooxda Foxes ayaa garoonkeeda guul kaga gaari karta Chelsea labo ciyaarood oo is xigta markii ugu horreysay tan iyo 1935 illaa 1938 markaas oo ay saddex xiriir ah ka gaartay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.