Ra’iisul wasaare Rooble oo Galmudug ku bogaadiayay guda-galka doorashooyinka

0
166

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Ra’iisul wasaaraha XFS Mudane, Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhoweeyay habsami u socodka howlaha doorashooyinka Aqalka hoose ee BFS oo haatan ka billaabanaysa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Mudane Rooble, oo ka hadlayay Casha sharaf uu Xalay u sameeyay Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa intaa ku daray inuu aad ugu faraxsan yahay soo dhoweyntii ay walaalihii Galmudug u sameeyeen iyo sidii ay ugu shaqeeyeen dar-dar gelinta howlaha doorashooyinka Aqalka hoose ee BFS.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble“Waan ka mahadcelinayaa sida diirran ee naloogu maamuusay caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.Howlihii aan u imid Galmudug ee arrinta doorashadu ugu muhiimsaneyd waxay ku dhammaadeen guul.

Waan ku ammaanayaa madaxweyne Qoor Qoor in uu xilli dhow u qabtay bilaabista doorasha xildhibaannada Golaha Shacabka JFS. Dowlad goboleedyada kalena waxaan ka codsanayaa in ay dhaqso u bilaabaan.

Dowlad-goboleedka Galmudug waxaan garab ugu nahay hirgelinta dowladnimada, nidaamka iyo kala dambeynta si bulshada deegaanku horumar u gaarto”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.