Man United Oo Horumar Weyn Ka Samaysay Doonisteeda Tababare Zidane & Shaqsiga Kaliya Ee Kahor Istaagi Kara Inay Hesho

0
159

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kooxda Manchester United ayay xogo cusubi sheegayaan inay horumar ka samaysay ku qancinta tababare Zinadine Zidane ee qabashada shaqada tababarenimo ee kooxdeeda balse wali waxa jirta caqabad ay tahay inay ka gudbaan si ay Old Trafford uga dejiyaan.

Wargeyska Daily Record ayaa xusaya in Man United ay hore uga dhaqaaqday doonisteeda isla markaana tababaraha French-ka ahi uu xiisaynayo inuu markale maamulo xiddigaha kala ah Cristiano Ronaldo iyo Raphael Varane.

Sidoo kale waxa xusid mudan in 49 sano jirkaasi haddiiba uu qabto shaqada Old Trafford uu laylin doono Paul Pogba oo uu saxeexiisa Real Madrid in badan ka codsaday.

Si kastaba ha ahaatee, warbixinta Daily Record ayaa intaas ku daraysa in caqabada wali Man United hortaagani ay tahay xaaska Zidane ee Veronique Zidane oo aan ku qanacsanayn aragtida ah inay degaan oo ku noolaadaan magaalada Manchester waxaana ay doorbidaysaa in Zidane sii dheeraysto fasixiisa uu kaga maqan yahay kubadda cagta.

Advertisements

 

Man United ayaa filanaysay in haysashada Varane iyo Ronaldo ay si weyn u caawin doonto, sidoo kale in Zizou uusan aad ugu fiicnayn luuqada English-ka ayaa dhib kale ku noqonaysa inay la saxeexdaan.

Haddiiba ay awoodi waayaan inay ka dhaadhiciyaan Zidane iyo qoyskiisa aragtida ah inay Manchester soo degaan ayay markale waayayaan tababare weyn iyadoo la xasuusto in Tottenham ay uga hormartay Antonio Conte oo in mudo ah si weyn u sugayay shaqada Man United.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.