Isku soo bax Roob doon ah oo lagu qabtay Beledweyne.

0
170

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Boqolaal Dadweyne ah oo ka kala yimid Xaafadaha Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay Maanta goob fagaaro ah ka dhigeen Banaanbax, iyaga oo sidoo kale ku dukday Salaad Roobdoon ah.

Dadweynaha oo isugu jiray Culimo, Arday iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada aya isugu yimid fagaaraha Brxad Iskuulka Mujamac ee Magalada bledweyne, iyaga oo halkaasi Alle uga baryay in uu Roob u keeno si mlooga baxo Abaarta.

Qaar kamid ah Culimadii ka qyeb gashay isku soo baxa ayaa Salaadda ropobdoonka ah waxaa ay  ugu baqeen bulshada magaalada in ay badiyaan is cafiinta si loo hello Raxmadda Alle ee Roobka maadaama abaaro darran ay ka jiraan degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Isku soo baxaan oo ay shalay iclaamiyeen Cullimada Magaalada Beledweyne ayaa dhamaan dadkii ka qeyb galay waxaa ay Alle ka baryeen in uu roob u keeni si looga baxo abaarta.

Degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa xilligaan kajirta abaar aad u daran, waxaana Gudaha iyo daafaha degmada Beledweyne ku sugan dad kazoo barakacay degaano ay kajirto abaarta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.