Mbappé oo ka hadlay mustaqbalkiisa PSG iyo wararka la xiriira inuu ku biirayo Real Madrid

0
160

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappé ayaa sii kordhiyay mugdiga ku jira mustaqbalkiisa kaas oo noqday hadal heynta ugu badan ee saxaafada bilihii lasoo dhaafay, isagoo diiday inuu shaaca ka qaado talaabada xigta ee uu qaadi doono.

Qandaraaska Kylian Mbappé ee kooxda Paris Saint-Germain ayaa dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedkan, ilaa haatan waxa uu diidan yahay inuu qandaraaska u cusbooneysiiyo naadiga reer France, inkastoo ay jiraan dalabyo soo jiidasho leh, taasoo u ogolaaneysa inuu si xor ah uga tago kooxda xagaaga soo aadan.

Kylian Mbappe ayaa mar sii horeysay qirtay inuu ka codsaday maamulka kooxda Paris Saint-Germain inay u ogolaadaan inuu u dhaqaaqo Real Madrid suuqii xagaaga ee lasoo dhaafay, Laakiin PSG ayaa diiday dhammaan dalabyada ay sameeyeen Real Madrid maalmihii ugu dambeeyay ee suuqa.

Haddaba wargeyska AS ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappé, wuxuuna yiri:

“Mustaqbalkeyga? Subaxdii ma garanayo waxa dhici doona, waxaan joogaa Paris, waxaan horay u sheegay inaan halkan ku qaatay 5 sano oo cajiib ah.”

“Waan ku raaxaysanayaa daqiiqad kasta oo halkan ah, walina waan ku raaxaysanayaa sidoo kale, waxyaabo badan oo muhiim ah ayaa imanaya iyo fursado badan oo waaweyn, taas horay ayaan uga hadlay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.