Tababaraha Bayern Munich Julian Nagelsmann oo Magacaabay Xiddiga u Qalma Ballon d’Or

0
303

Bayern Munich-(Idaacadda Waamo)-Tababaraha kooxda Bayern Munich ee Julian Nagelsmann ayaa sheegay in xiddigiisa Robert Lewandowski u qalmo abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka sanadkan, Isaga oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Wuu u qalmaa ku guulaysiga abaalmarinta Ballon d’Or-ka”ayu Nagelsmann Yiri.

“Haa, waa in uu ku guulaysto abaalmarinta sababta oo ah waxa uu u ciyaaray si cajiib ah 3-dii sano ee ugu dambeeyay, mana jiro xiddig u ciyaaray sida uu u ciyaaray”.

Kaliya hal bil ayaa ka dhiman in la shaaciyo xiddiga ku guulaysta abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or iyada oo si weyn loo hadal hayo xiddiga ku guulaysan kara abaalmarinta sanadkan.

Xiddig, tababare iyo khabiir kasta ayaa saadaashooda ka dhiibanaya xiddiga ku guulaysan kara abaalmarinta Ballon d’Or-ka sanadkan iyada oo qof walba doortay midka ay u arkaan in ay ku guulaysan karaan abaalmarinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.