Xulka Germany oo Noqday Xulkii ugu Horeeyay ee usoo Baxa Koobka Aduunka 2022.

0
222

Germany-(Idaacadda Waamo)-Xulka qaranka Germany ayaa noqday xulkii ugu horeeyay ee u soo baxa koobka adduunka kulamada is reeb-reebka qaarada yurub kadib markii ay xalay ka badiyeen xulka North Macedonia.

Xulka Germany ayaa 4/0 ku xasuuqday xulka North Macedonia kulan hal dhinac ah iyaga oo wax walba ka samaystay xulka yar ee kaalinta 3-aad kaga jira Group-ka J ee is reeb-reebka.Image

Germany ayaa sidaas ku noqday xulkii ugu horeeyay ee xaqiiqsada booskiisa koobka adduunka ee lagu qaban doono Qatar iyaga oo leh 21 dhibcood 8-dii kulan ee ay ciyaareen kulamada is reeb-reebka.

Xulka Germany ayaa badiyay 7 kulan hal kulana laga badiyay waxana uu xulka ugu dhaw oo ah Romania leeyahay 13 dhibcood taas oo la macno ah in uu xulka Germany u soo baxay koobka adduunka ee sanadka dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.