Kooxaha Barcelona iyo Granada oo dhibcaha ku qeyb saday garoonka Camp Nou

0
220

Barcelona(Idaacadda Waamo)-Kooxaha Barcelona iyo Granada ayaa dhibcaha ku qeyb saday garoonka Camp Nou, kaddib markii ay ku kala baxeen bar-bardhac 1-1 ah ciyaar qeyb ka aheyd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Granada.

Daqiiqadii 2-aad ee bilowgii ciyaarta kooxda Granada ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 0-1 ka dhigay laacibkooda Domingos Duarte, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Sergio Escudero.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

90 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay kooxda Barcelona ayaa dhalisay goolka bar-bardhaca waxaana 1-1 ka dhigay Ronald Araujo oo ay caawin kaga timid saaxiibkiis Pablo Gavira.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay bar-bardhac 1-1 ah ay ku kala baxeen labada kooxood Barcelona iyo Granada, kaddib ciyaar u xiiso badan oo ay ku wada ciyaareen garoonka Camp Nou.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.