Shaxdii ugu Fiicaneed Todobaadkan Premier League oo Lasoo  Saaray.

0
169

Kooxaha chelsea, Liverpool iyo Man United ayaa sii wata guulaha premier League iyaga oo gadhay guulohoodii 4-aad ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Arsenal ayaa dhankeeda gaadhay guusheedii 2-aad oo xidhiidh ah horyaalka halka ay Brentford garaacday kooxda Wolves sidoo kale Aston Villa guul weyn ka gaadhay Everton.

Kooxda Man City ayaa ku hor kuftay Southampton xilli ay Brighton garaacday kooxda Leicester City halka ay kooxda Watford garaacday kooxda Norwich City.

Shabakada BBC Sport ayaa soo saartay shaxda ugu fiican todobaadka premier League iyaga oo soo qaatay xiddigihii qaab ciyaareedka fiican soo bandhigay.

Kooxaha Man United, Chelsea, Liverpool iyo Brentford ayaa shaxda ku leh min laba xiddig kadib guulihii lagu qancay ee ay gaadheen todobaadkan.

Dhanka kale kooxaha Arsenal, Aston Villa iyo Watford ayaa dhankooda shaxda ku leh min laba xiddig kadib guulo muhiim ah oo ay gaadheen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.