Wasaaradda Arrimaha Gudaha Fedaraalka iyo dib u heshisiinta Jubbaland  oo Kismaayo ku qabatay kulan aqoon is waydaarsi ah

0
239
Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kulankaan aqoon is waydaarsiga ah oo ay maanta Magaalada Kismaayo ku qabatay Wasaaradda arimha gudaha fedaraalka iyo dib u heshisiinta Jubbaland  ayaa lagu baranayay qaabka Maamul daadajinta  Shaqaalaha rayidka ah ee Jubbaland.
Waxaa kulanka ka soo qayb galay  wasaaradda bixiya adeegyada  aas aasiga u ah Bulshada sida  Wasaaraddaha Biyaha ,Caafimaadka,waxbarashada iyo kuwo kale  sido kale kulanka waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha waxaada dowlada hoose iyo maamul baahinta ee wasaaradda arimaha  dowlada fedaraalka  Soomaliya ‘muhiimada  kulanka ayaa looga golahaa in la baahiyo adeegyada kala duwan ee ay wasaaraduhu bixiyaan.

Xamdi Maxamed Yaasiin,ayaa warbixintan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.