Chelsea oo diyaar u ah inay heshiiska u kordhiso Mason Mount iyadoo u labo-jibbaareysa mushaharkiisa

0
196

London(Idaacadda Waamo)-Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa lagu soo warramayaa inay diyaar u tahay inay wada xaajood heshiis kordhin ah la furato xiddigeeda khadka dhexe ka ciyaara ee Mason Mount iyadoo sare u qaadeysa mushaharka uu haatan ka qaato.

Blues ayaa ku abaal-marineysa xiddigeeda bandhiggii cajiibka ahaa ee uu sameeyay labadii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay, waxaana xusid mudan inay haatan diyaar u tahay inay qandaraaska u kordhiso sidoo kalena ay u labo-jibbaarto mushaharkiisa.

Mount ayaa qandaraas shan sano ah u saxiixay Chelsea labo sano kahor, waxaana uu toddobaadkii mushahar ahaan u qaataa 75 kun oo gini, balse qandaraas kordhintan ayay kooxda ku ciyaarta garoonka Stamford Bridge qorsheyneysaa inay 150 kun oo gini gaarsiiso mushaharkiisa.

Si kastaba ha ahaatee, kubbad sameeyaha xulka qaranka Ingiriiska ayaa diiwaanka kooxda heysata horyaalnimada Yurub ku jiray tan iyo shan sano jirkiisii, waxaana 22-sano jirkan uu haatan ku jiraa qaab heer sare ah isagoo taageere buuxda ka heysta macallinkiisa Thomas Tuchel.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.