Kooxda Chelsea oo Wadnaha farta ku haysa kaddib markii uu ka dhaawacmay Romelu Lukaku, Xilli N’Golo Kante uu hore uga maqnaa

0
220

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa wadnaha farta ku haysa kaddib markii ay ka war heshay dhaawaca soo gaaray weeraryahankeeda Romelu Lukaku.

Xiddiga xulka qaranka Belgium ee Romelu Lukaku ayaa waxyeello ka soo gaartay kulammadii uu xulkiisa u ciyaaray dhowaan, maanta oo Talaado ah ayaana lagu sameyn doonaan baaritaanno dheeri ah oo lagu ogaanayo inta uu le’egyahay dhaawaciisa.

Tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay garoonka Stamford Bridge ee Galbeedka magaalada London oo uu uga soo wareegay Inter Milan adduun dhan 97.5 milyan oo gini, 28-sano jirkaan ayaa Blues u saftay kaliya labo kulan, waxaana uu ku waxyeelloobay haatan kulamadii isreeb-reebka Koobka Adduunka ee uu uga qeyb galay qarankiisa Belgium.

Weeraryahankan ayaa laga saaray liiska xiddigaha xulkiisa Belgium ee ka qeyb-galaya kulanka Arbacada ee Belarus, iyadoo la filayo inuu u soo duuli doono Magaalada London si kooxdiisu ay baaritaan dheeri ah ugu sameyso ka hor kulanka ay wajagayaan Sabtida naadiga Aston Villa.

Warbixinta waxaa kale oo lagu sheegay in Lukaku uu kulanka todobaadka soo aaddan ee Aston Villa uu fursad aad u yar u haysto inuu ka soo muuqdo.

Dhaawacan ayaa Lukaku ka soo gaaray kulankii ay Khamiistii 3-0 uga adkaadeen  Czech Republic, waxaana uu warbaahinta horteeda ka qirtay inuu dareemayo dhaawac, warbaahinta Ingiriiska ayaana inteeda badan warinaysa in maanta oo Talaado ah tijaabooyin lagu sameyn doono, lana eegi doono inta uu gaarsiisan yahay dhaawaciisa, kaddibna la shaacin doono muddada uu garoomada ka maqnaan doono.

“Dhaawac yar ayaa i soo gaaray, Scan ayaana la iga saari doonaa muruqa” ayuu yiri Lukaku mar uu la hadlayey warbaahinta dalkiisa laga leeyahay ee HLN.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.