Samuel Umtiti oo ooyin la aamusin waayay mar uu la kulmay Guddoomiyaha Kooxda Barcelona ee Joan Laporta

0
228

Barcelona(Idaacadda Waamo)-Warbixintaan waxa aan kaga hadli doonnaa xaaladda cakiran ee uu ku sugan yahay laacibka daafaca uga dheela naadiga Barcelona iyo xulka Faransiiska Samuel Umtiti oo la sheegay in uu iska ooyay mar uu kulan la yeeshay Guddoomiyaha naadiga Barcelona ee Joan Laporta.

Wargeyska El Mundo Deportivo ee ka soo baxa Spain ayaa waxa uu qoray sheeko ku saabsan Ciyaaryahan Umtiti mar uu la kulmay Guddoomiyaha naadiga Barcelona Joan Laporta intii uusan xirmin suuqii kala iibsiga la soo dhaafay, gaar ahaan bishii Agoosto, waxaana la sheegay in Umtiti oo ka murugsan waqtiga adag ee soo food-saaray iyo sida Barcelona aysan waqti xaadirkan wax xiiso ah ugu haynin la sii joogitaankiisa uu u gar dhigtay Guddoomiye Laporta, isagoo uga warramay in Barcelona ay dulmisay.

Barcelona waxa ay kal hore ciyaaryahan Umtiti u soo jeedisay in uu kooxda isaga tago,  isla markaana ay diyaar u yihiin in ay iska iibiyaan, hase yeeshee Umtiti waxa uu ku adkeystay in uusan dooneynin inuu tago, taa beddelkeedana uu jecel yahay in la ciyaarsiiyo oo uu ka soo muuqdo safka tababaraha Barcelona ee Ronald Kuuman.

Waa ay jireen kooxo dhowr ah oo codsiyo u soo diray Umtiti, kooxahaas  oo ka dhisan Faransiiska iyo Turkiga sida Lyon, Marseille iyo Besiktas, hase yeeshee ciyaaryahan Umtiti waa uu ku gacan seyray.

Umtiti ayaa is-difaacay mar uu la hadlayay Guddoomiyaha Barcelona ee Juan Laporta, wuxuuna sheegay in uusan isagu eedda lahayn, balse isagoo fiyoow la ciyaarsiin waayay, waxaana uu eedda ugu weyn dusha kaga tuuray kooxda caafimaadka Barcelona kuwaas oo daahiyay dawadiisa gaar ahaan dhaawac uu deg deg uga soo kaban lahaa labadii sano ee la soo dhaafay.

Intaa kaddib Umtiti ayaa Laporta tusay caddeymaha tijaabooyinkiisii caafimaad, taas oo muujinaysay in uusan wax dhaawac ah qabin oo uu mar hore ka soo bogsooday, jir ahaanna uu u diyaarsanaa in uu kulammada ciyaareed dheeli karay.

Guddoomiyaha Barcelona ayaa intaa kaddib garwaaqsaday in Umtiti la dulmiyay, Barcelonana aysan laacibkani u muujin taageeradii kuhabbooneyd, markaa ay halkaa mareysay ayaa waxaa is-heyn kari waayay Samuel Umtiti oo bartiisii ku ooyay, isagoo dib u gocanaya dhaawacyadii soo gaaray iyo sidii ay Barcelona ula dhaqantay.

Dhanka kale guddoomiyaha Barcelona ee Joan Laporta ayaa niyadda u dhisay Samuel Umtiti, isagoo u sheegay inuu arrintiisa si gaar ah ugala hadli doono tababaraha naadiga Barcelona ee Ronald Koeman, waxaana kulankaasi uu ku soo dhammaaday iyadoo Laporta iyo Umtiti ay is marxabeeyeen oo ay laabta isgeliyeen.

Ciyaartooy dhowr ah oo ay ka mid yihiin Umtiti iyo Griezmann oo reer France ah ayaa loo soo jeediyay in mushaarkooda ay dhimaan, isla markaana aqbalaan in suuqa kala iibsiga la geeyo si loo iibiyo, iyadoo sidaasina loo yeelayo si Barcelona ay ugu suuro gasho in ay sii heysato Lionel Messi, laakiin nasiib darro labadaan ciyaartooy waa diideen in ay Messi dartiis kooxda uga tagaan, mushaarkoodana u dhimaan, waxaana Messi uu 21 sanadood kaddib ka tagay Barcelona isagoo ku biiray kooxda Paris Saint Germain ee dalka Faransiiska.

Yeelkeede, Griezmann ayaa maalintii ugu dambeysay suuqa dib ugu laabtay Kooxdiisii hore ee Atletico Madrid ee ka dhisan caasimadda Spain.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.