Waaxda caafimaadka dalka Ingiriiska oo warbixin kasoo saartay waxyeellooyinka ka dhalan kara hurdo la’aanta

0
257

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Waaxda caafimaadka dalka Ingiriiska ee NHS, ayaa ka warbixinaysay muhiimadda hurdada,faa’idooyinkeeda iyo waxyeellooyinka ka dhalan kara hurdo la’aanta waxaa ay sheegtay in saddexdii qofba mid ka mid ah uu la ildaran yahay hurdo la’aan welwel iyo shaqo dheeraad ah.

Sababaha aaney dad badan hurdo ku filan u helinna waxay u badan tahay niyad-jabka iyo feejignaan la’aanta khataraha ku imaan kara qofka haddii uusan si wanaagsan u hurdin.

Sidaa darteed ayaa helidda hurdo ku filan ay muhiim u tahay inuu qofku joogteyo hab -nololeed caafimaad leh uuna sare u qaado tayada noloshiisa .Sida ay sheegtay NHS, hurdadu waxay kordhisaa awoodda galmada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.