RASMI: Kooxda Chelsea oo Saul Niguez kala soo wareegtay Atletico Madrid

0
215

London(Idaacadda Waamo)-Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa Atletico Madrid kala soo wareegtay laacibka khadka dhexe ee Saul Niguez saacadihii ugu dambeeyey ee suuqa kala iibsiga xiddigaha oo xalay soo xirmay.

Blues ayaa heshiis amaah ah oo ay qiyaar u haysato inay wada iibsato kula soo wareegtay xiddigii kooxda Atletico Madrid iyo xulka qaranka Spain ee Saul Niguez.

Kooxda Chelsea ayaa markii hore ka shakisay inay la saxiixan karto Saul, laakiin waxay ku guuleysatay inay heshiis la gasho, iyadoo bixisay lacag amaah ah oo ikhtiyaar u leh inay u dhaqaaqdo mid joogto ah.

Sevilla ayaa goor sii horreysay xaqiijisay inay diidday dalabkii Chelsea ee ahaa mid aanay ku qanacsaneyn ee ay Blues ka soo gudbisay daafaca reer France ee Jules Kounde.

“Aad ayaan ugu farraxsanahay inaan tartan cusub la bilaabo Chelsea,” ayuu yiri Saul, kaasoo horey loola xiriirinayay Kooxda Manchester United.

“Taageerayaasha Blues waxaan ahay mid adinka idinka mid ah, ma sugi karo inaan xirto maaliyadda, tababarka bilaabo oo aan idin arko dhammaantiin sida dhaqso leh.”

Saul ayaa 340 kulan u ciyaaray Kooxda Atletico Madrid waxaana uu u dhaliyey 43 gool.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.