RASMI: Kooxda Juventus oo sagootisay Cristiano Ronaldo, isla markaana shaacisay qiimaha ay Man United kaga iibisay

0
184

Turin(Idaacadda Waamo)-Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa macsalaameysay Cristiano Ronaldo, sida ay ku shaacisay website-keeda rasmiga ah goordhow.

Juventus ayaa xaqiijisay inay Cristiano Ronaldo kooxda Manchester United kaga iibisay adduun dhan 15 milyan oo euro oo lagu daray 8 milyan oo euro oo ku xirnaan doona waxqabadkiisa.

Bayaan ka soo baxay Kooxda ka dhisan Magaalada Turin ayaa lagu sagootiyey Weeraryahanka reer Portugal ee Cristiano Ronaldo, waxaana uu u dhignaa:-

“10-ka bishii July ee sanadkii 2018-kii, labada astaan ee ka mid ah Yurub iyo kubadda cagta Adduunka ayaa isku yimid, Cristiano Ronaldo waxa uu noqday ciyaaryahan Juventus ah.

“Maanta kaddib saddex sanadood oo aan wadajiray, isla markaana uu saftay 133 kulan, dhaliyeyna 101 gool, kuna guuleystay Shan Koob cutubkaasi wuu soo dhammaaday… CR7 iyo Juventus ayaana waddooyin kala duwan qaaday.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.