Waa immisa saameynta uu Cristiano Ronaldo ku yeeshay qiimaha uu suuqa ka joogo saamiga kooxda Manchester United?

0
237

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa xalay si rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa Cristiano Ronaldo kaasoo ay kasoo qaadatay Juventus, waxaana uu dib ugu soo laabtay Old Trafford 12 sano kaddib.

Hase ahaatee, sheekadani waxay taabaneysaa is baddelka ku yimid qiimaha uu suuqa ka joogo saamina kooxda Man United kaasoo sameeyay saren u kac wanaagsan.

Qiimaha saamiga Red Devils ayaa kor u kacay 7% (boqolkiiba toddobo) waxaana qiimo ahaan saamiga ku siyaaday 250 milyan oo gini.

Iyadoo aanan la gaarin saameynta bandhiggiisa garoonka, Kabtanka Portugal ayaa darajo sare u horseeday Manchester United iyadoo aanan xitaa wali la iibsan funaanaddiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.