Horudhac: Deportivo Alaves vs Real Madrid… (Xiddigo muhiim ah oo ka maqnaan doona Los Blancos, rikoorka Madrid ay ka heysato dhiggeeda & Safka uu isticmaali karo Ancelotti furitaanka La Liga

0
194

Vitoria-Gasteiz(Idaacadda Waamo)-Naadiga ka badbaadday u laabashada horyaalka heerka labaad ee dalka Spain ee Deportivo Alaves ayaa caawa asbuuca ugu horreeya ee horyaalka La Liga soo dhoweyneysa Real Madrid.

Los Blancos oo ah naadiga ugu hanashada badan horyaalkan ayaa ku bilaabaneysa xilli ciyaareedkan la’aanta wajiyo taariikhi ahaa sida Kabtankii naadiga ee Sergio Ramos kaasoo xagaagan ku biiray naadiga Paris Saint-Germain iyo Zinedine Zidane oo isaga tagay shaqada macalinnimo ee kooxda dhammaadka xilli ciyaareedkii hore.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 11:00 Habeennimo xilliga Geeska Afrika.

Garoonka: Mendizorrotza

Garsooraha: Cesar Soto (Spain)

Wararka Kooxaha:-

Naadiga Alaves ayaa weyneysa saxiixeeda cusub ee Mamadou Loum kaasoo dhaawac uu kasoo gaaray bowdada toddobaadkii hore, waxaana uu seegayaa guud ahaan ciyaartan.

Marka laga soo tago dhaawacaas, Macallin Javier Calleja ayaa heysta saf awood badan oo uu kasoo xulan karo xiddigaha u ciyaari kara caawa.

Hase yeeshee, waxaa dhaawacyo la tacaalaya kooxda Real Madrid maadaama aysan heli doonin caawa Toni Kroos, Dani Carvajal, Ferland Mendy, Alvaro Odriozola iyo Dani Ceballos kuwaasoo dhammaantood dhaawacyo ku seegaya ciyaartan.

Akhbaarta wanaagsan ayaase ah in Karim Benzema iyo saxiixa cusub ee David Alaba ay taam u yihiin kulankan kaddib markii ay kasoo kabsadeen xanuunka Korona Fayras.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Real Madrid ayaa guul ka gaartay dhiggeeda Deportivo Alaves afar ka mid ah shantii is-arag ee la soo dhaafay ee horyaalka La Liga, halka Alaves ay guuleysatay kulanka kale.

Real Madrid ayaa kulankii ugu dambeeyey waxa ay ku soo adkaatay 4-1 ciyaar ay marti ahayd oo dhacday bishii Janaayo, xilligaasoo uu Karim Benzema uu dhaliyey labo gool.

Real Madrid ayaan la garaacin 18-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka La Liga.

Deportivo Alaves ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool saddexdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay garoonkeeda ku ciyaartay kulammada horyaalka La Liga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.