Qiimeynta xulalka kubadda cagta FIFA qaybta ragga ee bisha oo lasoo saaray

0
219

Zurich(Idaacadda Waamo)-Xiriirka kubadda cagta dunida ee FIFA ayaa goor dhow soo saaray diiwaanka kala sarreynta qiimeynta xulalka kubadda cagta ee bisha taasoo lagu cabbirayo qaab ciyaareedkii ay sameeyeen xulalka kubadda cagta xagaagan.

Waxaa xagaagan qabsoomay tartammada Copa America 2021 iyo EURO 2020 oo qaaradaha Koonfurta Ameerika iyo Yurub laga kala ciyaaray, waxaana sidaas darteed qiimeyn fiican helay xulalkii ku kala guuleystay tartammadaad ee Argentina iyo Italy.

Wali waxaa booska koowaad ee qiimeyna xulalka kubadda cagta ragga heysta xulka Belgium kaasoo tartankii qarammada Yurub kaga haray wareegga rubac-dhammaadka, balse xulkii ku xigay ee France ayaa hoos u dhacay hal darajo iyadoo booska labaad uu kala baxay xulka Brazil kaasoo gaaray Fiinaalkii Copa America ee xagaagan lagu qabtay isla dalkaas.

Ingiriiska ayaa baaqi kusii ahaaday booskiisa afaraad, se waxaa kaalinta shanaad usoo dallacay xulka Taliyaaniga ee qaaday koobkii qarammada Yurub, iyadoo booska lixaadna uu usoo dallacay xulka Argentina oo qaaday koobkii ugu horreeyay ee weyn muddo 28 sano ah kaddib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.