Barcelona oo dalabkii ugu horreeyay ee rasmi ah u gudbisay Memphis Depay

0
45

Barceliona(Idaacadda Waamo)-Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa dalabkii ugu horreeyay ee rasmi ah u gudbisay xiddiga naadiga Lyon ee Memphis Depay kaasoo bilaash lagu heli karo xagaagan maadaama uu dhacayo qandaraaskiisa kooxda reer France.

Sida laga soo xigtay wariyaha lagu kalsoon yahay ee Fabrizio Romano kaasoo suuqa kala iibsiga ka faalooda, Barca ayaa heshiis saddex sano ah usoo bandhigtay Depay kaasoo uu kaga xamaalan karo Camp Nou illaa xagaaga 2024.

Waxaa sidoo kale Joornaaliistaha laga soo xigtay in doorashada Georginio Wijnaldum ee naadiga Paris Saint-Germain ay Barcelona ku dhalisay inay durba u dhaqaaqdo soo xero gelinta weeraryahanka naadiga Lyon si aysan ula kulmin caqabad ah in saxiixiisa ay kooxi hesho inta aysan iyada u dhaqaaqin.

Naadiga PSG ayaa xiddiga Liverpool macsalaameeyay ku qancisay mushaharaad labo-laab ka badan midka ay Blaugrana soo bandhigtay, waxaana haatan kooxda Faransiiska ka dhisan ay ku dhowdahay saxiixa laacibka khadka dhexe ka ciyaara.

Sidaas darteed, Romano ayaa sheegay inay Barcelona miiska u saartay weeraryahanka reer Netherlands qandaraas saddex sano ah oo ay ku jirto in sare loo qaadi doono waxyaabaha heshiiskaas ku heli doono sida mushaharaadka iyo gunnooyinka illaa laga gaaro halka uu ku qanacsan yahay xiddigan.

Si kastaba ha ahaatee, xiddigii hore ee Manchester United ayaa xor u ah inuu bilaash ugu biiro kooxdii uu doono, waxaana haatan si aad ah ugu dhow Barca inkastoo ay loollan kala kulmeyso Juventus oo dooneysa saxiixa 27-jirkan sida ay sheegtay jariiradda Taliyaaniga kasoo baxda ee Corriere dello Sport.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.