Chelsea oo isku diyaarineysa inay lasoo saxiixato xiddig muhiim ka ah kooxda Inter Milan

0
255

London(Idaacadda Waamo)-Antonio Conte ayaa ka tagay kooxda Inter Milan bilowgii toddobaadkan, waxana jira warar badan oo ku saabsan kooxdiisa xigta.

Conte ayaa ka tagay Inter sababo la xiriira dhaqaale xumo heysata kooxda, iyo baahida loo qabo in maamulka ay iska iibiyaan qaar ka mid ah ciyaartoyda ku sugan kooxda si ay lacag u helaan.

Dhibaatada dhaqaale ee heysata kooxda Inter, ayaa waxay ka dhigi kartaa inay iibiyaan qaar ka mid ah ciyaartoydeeda muhiimka ah sida Achraf Hakimi, Alessandro Bastoni iyo Lautaro Martínez, sidoo kale waxaa suurtogal ah in la iibiyo weeraryahanka reer Belgium ee Romelu Lukaku.

Haddaba wargeyska “Daily Mail” ee dalka England  ayaa tilmaamay in Chelsea ay xiiseyneyso inay hesho adeega weeraryahanka reer Belgium ee Romelu Lukaku, waxayna qorsheeneysaa inay u diyaariso heshiiskan qiimo dhan 80 million pounds.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.