Ramos oo hadlay kaddib markii laga reebay liiska xiddigaha xulka qaranka Spain ee EURO2020

0
207
FILE PHOTO: Football Soccer - Spain v Czech Republic - EURO 2016 - Group D - Stadium de Toulouse, Toulouse, France - June 13, 2016 Spain's Sergio Ramos looks dejected REUTERS/Albert Gea

Madrid(Idaacadda Waamo)-Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa ka hadlay go’aankii uu tababaraha xulka Spain ee Luis Enrique uu kaga reebay liiska xiddigaha xulka qaranka Spain uga qeyb galaya ciyaaraha EURO 2020 xagaagan.

Sergio Ramos ayaa fariin uu ku soo qoray boggiisa rasmiga ah ee Twitter-ka, wuxuu ku sheegay:

“Dhowr bilood oo adag kaddib, iyo xilli ciyaareed la yaab leh, oo ka duwan xilli kasta oo aan ku noolaa xirfadayda, ayaa waxaa imaanaya EURO.”

“Waan dagaalamay oo waxaan shaqeeyay maalin walba, jir ahaan iyo maskax ahaanba, si aan si buuxda ugu diyaargarowbo Real Madrid iyo xulka qaranka, laakiin arrimuhu had iyo jeer uma socdaan sida aan rabno.”

“Way i xanuunjineysaa inaan awoodi waayay inaan caawiyo kooxdeyda, iyo inaanan u ciyaarin Spain, laakiin xaalladan waxa ugu fiican ee aan sameyn karo waa nasasho iyo inaan si buuxda u soo kabsado oo aan soo laabto sanadka soo socda, in kasta oo ay xanuun badan tahay inaan matalin dalkayga.”

“Si daacadnimo leh, waxaan u rajeynayaa dhamaan asxaabteyda kooxda nasiib wacan, waxaana rajeynayaa inaan u soo muuqan doono si cajiib ah, waxaana kooxda ka taageeri doonaa guriga, mahadsanid qof walba, ha noolaato Spain, sidoo kale Hala Madrid.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.