Kylian Mbappe oo ka hadlay mustaqbalkiisa xilli uu shaki geliyay sii joogista Paris

0
181

Paris(Idaacadda Waamo)-Ciyaaryahanka kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa markii ugu horreysay ka hadlay mustaqbalkiisa iyadoo shaki badan uu ku gadaaman yahay mustaqbalka laacibkan.

22-sano jirkaan ayaa xilli ciyaareedkan ku guuleystay gooldhalinta horyaalka Faransiiska ee Ligue 1, waxaana uu dhanka kale ka war bixiyay arrimaha la xiriira mustaqbalkiisa ciyaareed.

Xiddiga Faransiiska ah ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay sanadihii uu la qaatay PSG isagoo sidoo kale u mahad celiyay Madaxweyanaha naadiga iyo macallimiintii kala duwanaa ee soo maamulay.

Balse waxaa uu qiray inuu doonayo koox ku guuleysan karta tartanka Champions League, mashruuca ciyaareedna uu marwalba u yahay mid aas-aasi u ah damaciisa.

“Waxaan rabo waa guul, waxaan dareemayaa inaan joogo meel aan guul ku gaari karo, meel aan ku heysto mashruuc xooggan oo igu gadaaman, waxaan rabaa inaan dareemo inaan qayb ka ahay koox hanan karta Champions League” ayuu yiri Mbappe oo la hadlay Canal Plus.

“Kaddib annaga ayay na quseysaa inaan muujinno waxa aan sameyn karno, kooxda ayaan la hadleynaa waana arki doonnaa waxa dhaca” ayuu hadalkiisa kusii daray xiddigii hore ee Monaco.

Si kastaba ha ahaatee, weeraryahankan ayaa ka meer-meeray inuu kala caddeeyo mustaqbalkiisa, waxaana uu sheegay inuu kooxdiisa la xaajoon doono inkastoo saxaafadda ay dhowaanahan qoreysay inay hakad galeen wada hadalladii u socda PSG iyo isaga si qandaraaska loogu kordhiyo, waxaana xusid mudan in kaliya hal sano uu ka harsan yahay qandaraaskiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.