John Barnes oo kooxdiisii hore ee Liverpool kula taliyey inay la soo saxiixato xiddig ka ciyaara Premier League

0
205

Liverpool(Idaacadda Waamo)-John Barnes ayaa kooxdiisii hore ee Liverpool kula taliyey inay la soo saxiixato laacibka khadka dhexe kaga ciyaara Brighton ee Yves Bissouma.

Barnes ayaa u soo jeediyey Liverpool inay u dhaqaaqdo soo xero gelinta xiddiga Brighton ee Yves Bissouma, isagoo halyeygii hore ee garoonka Anfield uu aaminsan yahay in laacibkan uu wax badan ka qaban doono khadka dhexe ee kooxda Tababare Jurgen Klopp.

Xiddiga The Seagulls oo haatan 24-sano jir ah ayaa in ka badan saddex xilli ciyaareed oo cajiib ah ku qaatay kooxda ka dhisan xeebta Koonfureed ee England, natiijadaas ayaana ka dhigtay in la la xiriiriyo kooxo dhowr ah iyo inuu xagaagan isaga dhaqaaqi doono naadiga Graham Potter.

Arsenal ayaa la soo warinayaa inay diiradda ku hayso xiddigan reer Ivorian, halka Liverpool la fahamsan yahay inay suuqa ka baadi goobeyso xiddig khad dhexe oo qaab ciyaareedkooda sare u qaadi kara, waxaana ay isku diyaarinayaan inay la soo saxiixdaan Bissouma.

Haddaba halyeyga Kooxda Reds ee Barnes ayaa ugu baaqay kooxdiisii hore inay xagaagan la soo wareegaan laacibka khadka dhexe ee Brighton, isagoo xusan in Bissouma uu ku soo bixi doono kuna wanaagsanaan doono shaxda Kooxda Tababare Klopp.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.