Sara u kac ku yimid qiimaha la kala siisto shidaalka Magaalada Kismaayo

0
280

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kismaayo Magaalada kismaayo waxaa maalmihii ugu danbeeyay sara u kacay qiimaha shidaalka gaar baasiinka taas oo ay sabab u tahay shidaalkii dalka imaan jiray oo gabaabsi galay.

labaatanka litir ee basiinka ah ayaa maraya 20 dollar halka markii hore lagu kala iibsan jiray 16 dollar sida uu sheegay Axmed Nuur Cabdi oo ka mid ah dadka shidaalka ka gancsada waxaa uuna sido kale sheegay in fuustada shidaalka markii hore ay gadi jireen 165 dollar balse haatan ay marayso 185 dollar.

Xamdi Maxamed Yaasiin,ayaa warbixintan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.