Madaxweyne ku-xigeenka 2-aad ee Jubbaland oo dadwayne tiro badan kula tukaday garoonka Waamo

0
237

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Madaxweyne ku xigeenka 2-aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa boqolaal shacab iyo mas’uuliyiin ah kula tukaday garoonka kubbada cagta Waamo ee magaalada Kismaayo.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dadka reer Jubbaland ugu hambalyeeyay Maalinta Koobaad ee Ciidul Fitriga, isaga oo u rajeeyay in sanadkaan sankiisa kale ay ku gaaraan Bashbash iyo Barwaaqo.

Iidle Aadan Maxamed,ayaa warbixintan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.