Tababar loo qabtay hawl-wadeennada Idaacadda

0
256
Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Tababar socday Muddo lix (6) bari ah oo la siinayay Hawl-wadeenada Radio Waamo kuna qabsoomay Barta Zoom-ka ama fogaan araga ayaa maanta noosoo dhammaaday,intii uu socday tababarkani waxaa lagu baranayay Casharo kala duwan oo dhammaantood khuseeya shaqada aan Bulshada u hayno.
Waxaa ka mid ah Casharada lagu baranayay Mudadii uu socday Tababarku,Covid-19 iyo sida aan usii laba jibbaari lahayn wacyi galinta Bulshada ee ku aadan Xanuunkaas,Sida ugu Habboon ee loo tabiyo doorashooyinka,Habka loo qoro warbixinada,Social media ha Saamayntiisa iyo sida Bulshada loogu marin lahaa wacyi galin uguna isticmaali lahayn dhanka wanaagsan,Waraysiyada (Interview) iyo qaabka loo qaado,Soo gudbinta Ra’yi uruurinta Bulshada,Website ka,Warbaahinta Casriga ah iyo Farsamada Qaybaheeda kala duwan.
Macallimiinta bixinayay Tababarka ayaa waxa ay xirfad iyo aqoon dheeri ah u lahaayeen Casharada ay bixinayeen.
Waxaan u mahad-celinaynaa Macallimiinta,hawl-wadeenada oo si wanaagsan uga faa’iidaystay Tababarka iyo cid kasta oo ka qayb qaadatay qabsoomida tababrkan.  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.