Houssem Aouar oo Qaatay Go`aanka Kama Dambeysta ah ee Mustaqbalkiisa.

0
303

France(Idaacadda Waamo)- Xididga Lyon ee Houssem Aouar ayaa Lagu Waramayaa in uu Qaatay Go`aan La Xariira Mustaqbalkiisa Kooxda Reer France .

Wiilkaan asalkiisu yahay Algeria ayaa Xagaagaan Lala Xariirinayaa Dhowr Koox oo ay Ka Mid yihiin Arsenal oo ah Dhanka ugu Xooggan Man City iyo Juventus.

Channel-ka ESPN ayaa Daboolka Ka Qaadaya in Laacibka Aouar uu Dhab ahaantii Qaatay Go`aankiisa Kama Dambeyska ah ee Kooxda.

Sidaas oo ay tahay Kama Hadlin Kooxda uu Doonayo in uu aado , Waxaana Muuqaneysa in Todobaadyada Ka Haray Suuqa Kala iibsiga in La arki Doono Houssem Aouar oo Ka Tagay Lyon, Waxaa Xusid Mudan in Heshiiska Houssem Aouar ee Lyon uu ku Eg yahay Xagaaga 2023-ka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.