Kiisaskii ugu badnaa Coronavirus oo laga diiwaangeliyay Ingiriiska

0
240

Londan(Idaacadda Waamo)-Dalka UK waxaa walaac laga muujiyey kororka kiisaska fayraska Korona oo maalmihii ugu dambeeyey cirka isku shareeray, iyadoo 24-kii saac ee la soo dhaafay la diiwan galiyey ku dhawaad saddex kun oo kiis, taasi oo ah tiradii ugu badneyd muddo 13 asbuuc ah.

Tiradan cusub ee 2,988 ayaa ah tii ugu badneyd tan iyo 22-kii bishii May, taasi oo ka macno ah in guud ahaan kiisasku gaarayaan hadda 347,152 kiis.

Diiwaangalintan cusub ayaa laamaha caafimaadku waxay ku sheegeen in ay ka dhigan tahay in tan iyo bilowga bishan September celcelis ahaan kiisasku ay gaarayaan 1,800 maalin kasta.

Inkastoo kororku kiisasku ay sare u socdaan haddana wararka laga helayo Isbitaalada ayaa sheegaya in ay hoos u dhacayaan kiisaska culus ee xarumaha caafimaadku la tacalaayaan, iyadoo 24-kii saac ee la soo dhaafay la diiwan galiyey dhimashada laba qof oo kaliya, isla markaana tirada guud ahaan dhimashada UK ee cudurka Covid19 ka dhigayasa 41,551 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.