Wasaaradda qorshaynta Jubbaland oo Kismaayo ku qabatay shir looga hadlayay mashruuca siyaasadda loo dhanyahay

0
245

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Shirkan oo ay qabatay Wasaaradda qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Jubbaland ayaa diiradda lagu saarayay dib u egista mashruuc  horay uga socday Jubbaland iyo guud ahaan Soomaaliya oo loogu magac daray mashruuca siyaasadda loo dhanyahay qaybtiisa Jubbaland.

Mashruuca siyaasada loodhanyahay ayaa waxaa horay 2018 Jubbaland uga daah-furay Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Mashruucaan ayaa waxaa ku midaysan wasaaradaha Beeraha,xanaanada Xoolaha,Kaluumaysiga ,Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Wasaaradda Haweenka Xuquuqul insaanka iyo Arrimaha qoyska.

Shirka ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka socday Wasaaradaha kala duwan ee Jubbaland iyo Xaafiiska midowga yurub ee mashaaricdan u qaabilsan Wasaaradda qorshaynta qaranka Soomaaliya.

Xamdi Maxamed Yaasiin,ayaa warbixintan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.